Hal-Wadaag Titelbild

Hal-Wadaag

Hal-Wadaag

Von: Ismaaciil Cali Asad
Jetzt kostenlos hören, ohne Abo

Nur 0,99 € pro Monat für die ersten 3 Monate

Danach 9.95 € pro Monat. Bedingungen gelten.

Über diesen Titel

Boodhkastigani waa mid yoolkiisu yahey dadka in la gaadhsiiyo aragtiyaha kala duwan ee nolosha, dhaqanka iyo taariikhdaba.

Waxa barnaamijii lagu soo martiqaadi doona dadyaw kala duwan. Qof walba waxaan ka wareysan doono qeybta uu aqoonta u leeyahey.

Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

Ismaaciil Cali Asad
Kunst Sozialwissenschaften Spiritualität
  • Bariga Dhexe ee Casriga ah: Diin, Dawlad, Fikir iyo Isir
    Dec 22 2025
    Qeybtan Hal-Wadaag waxaan wada sheekeysi dhinac badan taabanaya wada yeelaney Cabdifatah Barawaani. Cabdifataax waxaan ka wada sheekeysaney asalka ereyga Bariga Dhexe, taariikhda Bariga Dhexe ee hore, asaaska siyaasi, fikrad ee fikirka dal ama ( nation) ee ku keeney gobolka Bariga Dhexe. Waxaan si qoto dheer iskula fahaney dhamaadkii boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo sababaha fikir ee keeney dhamaadka, iyo loolanka afkaaraha, isirka iyo diintu doorka uu ku lahaa.

    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

    Mehr anzeigen Weniger anzeigen
    2 Std. und 51 Min.
  • Qarniyadii Dahabiga ahaa ee Islaamka (8–14aad)
    Sep 3 2025

    Qarnigii 8aad ilaa 14aad waxa dunida Islaamka ka hanaqaaday casrigii Dahabiga ahaa ee Muslimiinta. Waa waqti ay horumar weyn ka sameeyeen cilmiga, falsafadda, caafimaadka, xisaabta, xiddigiska, iyo farshaxanka. Magaalooyin sida Baqdaad, Qurtuba iyo Qaahira waxay noqdeen xarumo aqooneed oo dunida oo dhan saameyn ku yeeshay.

    Qeybtan cusub ee barnaamijkeenna waxaan si qoto dheer ugala sheekeysaney Cabdirisaaq Rakuub sababihii keenay horumarkaasi, hal-abuurkii iyo cilmibaaristii Muslimiinta ee waqtigaas, iyo sida uu dhaxalkoodu u saameeyay cilmi-horumarinta casriga maanta. Waxaan si gaar ah u taabaneynaa shaqooyinka culumada caanka ah sida Ibn Sina, Al-Khwarizmi, Al-Razi, iyo Ibn Rushd.

    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

    Mehr anzeigen Weniger anzeigen
    1 Std. und 15 Min.
  • Fahamka Hanti-goosadka: Noocyada iyo Dhaliilaha Hanti-goosadka
    Aug 25 2025

    Fahamka Hanti-goosadka: Dhaqaalaha, Noocyada iyo Dhaliilaha

    Qeybtan, Abdirnasir Ahmed wuxuu si qoto dheer uga hadlay dhaqaalaha guud. Wuxuu sharaxay asal ahaan nidaamka hanti-goosadka, sida uu u shaqeeyo iyo waxa lagu dhaliilo, gaar ahaan arrimaha ay ku dhaliileen hanti-wadaagu. Intaas kadib, wuxuu dul istaagay noocyada kala duwan ee hanti-goosadka ee dunida laga adeegsado, sida ay ula jaanqaadayeen hadba isbadalada dunida ka dhaca. Ugu dambeyn, Abdirnasir wuxuu si dul-istaagey dhaqaalaha Somaliland, iyo nidaamyada casriga ah ee dunida, sida Baanka Aduunka.

    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

    Mehr anzeigen Weniger anzeigen
    1 Std. und 7 Min.
Noch keine Rezensionen vorhanden